Saturday, July 20, 2013

Qiso Cajiib Ah.



Qiso cajiib ah.

Nin gaal ah ayaa maalin u yimid Cali Ibn Abi Daalib (R,A) asaga oo rabo inuu waydiiyo su,aal, sna leh su,aashaasi way ku adkaan doontaa Cali rc. Wuxuu fiirsaday Cali rc oo la joogo dad badan,



Markaas ayuuna doortay inuu su,aasha waydiiyo, si hadii Cali rc ku dhoco su,aashaadi uu u ceeboobo.
Ninkii ayaa Cali rc waydiiday inuu sheego nambar hadii loo qaybiyo nambar u dhaxeeyo 1-10,
ay jawaabta noqonayso mid dhaban ah, oonan kisi ahayn. Cali rc ayaa ku jawaabay.
Maal-maha sanadka ku dhufo maal maha UsbuUca, waxaadna heli jawaabta aad I waydiisay.

Ninkii ayaa yaabay, kadibna bilaabay inuu xisaabtan galo si uu u ogaado inay sax tahay jawaabta Cali rc iyo in kale.
La yaab ayay ku noqotay inuu Cali rc sheegay jawabatii uu rabay. Maxaa yeelay sanadkii wuxuu leeyahay
360 maaL-mood (waa sida calenderka carabiga tusinayee). Usbuucana wuxuu leeyahay 7 bari. Hadii labadooda
la isku dhufto (360 x 7= 2520). Markaas hadii 2520 loo qaybiyo nambar u dhaxeeyo 1-10 sida su,aasha ahayd, waxay noqonaysaa sidatan:
2520 loo qaybiyay 1 = 2520
2520 loo qaybiyay 2 = 1260
2520 loo qaybiyay 3 = 840
2520 loo qaybiyay 4 = 630
2520 loo qaybiyay 5 = 504
2520 loo qaybiyay 6 = 420
2520 loo qaybiyay 7 = 360
2520 loo qaybiyay 8 = 315
2520 loo qaybiyay 9 = 280
2520 loo qaybiyay 10= 252
Ninkiina meesha ayuu ku ogaaday Jawaabta cali rc uu ka bixiyey iney tahay 100% mid sax ah.
Hadaba meeshaan waxaa laga qaadan karaa qofka Allaah isku xiro marnaba inaanan waxba laga qaadi kareen, Sidoo kale haddii aad ilaaliso wax yaabaha uu Alle dushaada dhigay, Allaah-na uu ku dhawri doono Adduun iyo Akhiraba.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Qiso: Waligaa Ra,yigaaga gaaban haku xukumin qofna, waayo ma ogid sida ay noolashooda tahay iyo waxa ay la tacaalayaan.
    18.08.2013 - 0 Comments
    Doctor baa waxuu isbitaalka kusoo galay si dag dag ah, waayo waxaa loogu wacay in uu qalniin sameeyo, wuuna…
  • QISO YAR: Aabo maku tusaa Awood Haddad Hesho Aan lagaa Guulaysan Karin?
    26.09.2013 - 1 Comments
    QISO YAR OO WAX KU QAADASHO MUDAN. Nin ka mid ah Saalixiinta (Dadkii Wanaagsana) Ayaa Maalin Wiilkiisa, ku…
  • Qiso yar oo cajiib badan.
    25.07.2014 - 0 Comments
    QISO YAR OO CAJIIB AH.Waxa la Wariyaye in Nabi Sulaymaan CS, Maalin isaga oo Fadhiya Badda Xeebteeda, ayuu…
  • SHEIKH MOHAMED IDIRIS ILA TALI. Urugada Adeerkay..Ma Illaawi Karaa??
    28.12.2014 - 0 Comments
    Sheekh Waxaan ahay nin dhalinyara ah oo Soomaaliya ku nool, Aabahay wuxuu dhintay aniga oo 3 sano jira..…
  • Qiso Cibro Qaadasho Mudan Oo Diini Ah: Islaantii U Imaatay Nabi Daa’uud “Cs”..
    31.07.2013 - 0 Comments
    MAKHLUUQA IYO TASARUFKA ILAAHIslaan ayaa waxa ay u timid Nebi Daud(calyhi salam). Waxa ay ku tiri“Nabigii…