Hada ka hor ayaa nin Dr ama dhaqtar ahaa oo dr naajix ahaa ayaa gurigiisa ka baxay asagoo u socda airport waxuu u socday in uu ka qaybgalo shirarka takhaatiirta caalamiga waxaana lagu siin lahaa abaalmarin ,dr aad bay ula wayneed arintaas ,diyaaradii waa kacday markii ay caabar socotay aysan gaarin meeshii ay ujeedkeedu ahaa ayaa waxa soo baxday cilad farsamo.. Waxaa loo sheegay rakaabkii in ay diyaarada ku dagi doonto airport uGu dhaw ,dadka rakaab ka ahna laga saarin doono diyaarad kale maalinta bari ah .ninkii DR ahaa ayaa u tagay gabar fadhisay xafiiska waxuuna u sheegay in uusan sugin Karin bari uu leeyahay shir muhiim ah. Gabadhii ayaa ku tiri ,aniga arintaas waxba kama sameen karo ,laakiin magaaladaad u socoto sas uma faga ,hadaad gaari qaadato waa 3 hours driving ,Dr oo necbaa gaari wadista masaafada dhaadheer ayaa option kale waayay ,gaari rent (kiro) ah ayuu soo qatay wuuna kaxeeyay ,markii uu cabaar socday ayaa roob xun bilaawday oo waxba laga arkeen ,ninkii wadadii uu dhumiyay. Wuxuuna socday mudo sedex saac ah meel qaldan markii uu quustay ayuu arkay guri yar oo meel ka taagan ,waxuu is lahaa aad ka heshid waxaad cunto iyo taleefan aad dirsato si laguu hago maadaama mobile kiisii uu bilaa dab noqday ..Dr markii uu gurigii imaaday ayuu irida garaacay ,waxaa lagu yiri so dhaaf , mase waxaa joogta duq waayeel ah oo curyaan ah ,salaam ka dib waxuu ka codsaday in talefan uu ka heli karo iyo inkale ,islaantii waa yeelka aheed aa u sheegtay in aysan teleefan qabin ,balse uu raashin ay siin karto . Dr-kii waxuu arkay islaantii oo duceeyneesa misana waxuu arkay canug meel jiifa .waxuu ku yiri yad u duceeyneesaa . islaantii baad tiri ducooyinkayga dhan waa la aqbalay ilaa hal mid ma ahee. Dr-kii ayaa suaalay mida an la aqbalin ,islaantii waxay tiri wiilkaan yar oo jiifa waxaan u ahay ayeeyo waalidkiisa way dhinteen waaxa xanuunsanyahay ma dhaqaaqi karo waxaana laygu yiri hal nin oo Dr ah ayaa daaween karo ,DR kaasna waa iga fogyahay ,anigana waayeel aan ahay ma gaari karo meeshuu joogo , Islaantii waxay u sii raacisay Dr magaciisa ,waxuuna noqday isla aasagii .Dr ilin ayaa indhahiisa buuxisay ,waxuuna ogaday in ay dhumistiisa iyo diyaarada waxa ku dhacay ay aheed aqbalida islaantaan ducadeeda oo waxaa qornaa in oo gurigeeda uGu imado ayadoon raadin .. Dr-ka sidii uu ku daaweeyay wiilkii yaraa wuuna caafmaaday … masha alah … ﺳﺒﺤﺎﻥ ﺍﻟﻠﻪ ﻭﻻ ﺣﻮﻝ ﻭﻻ ﻗﻮﺓ ﺍﻻ ﺑﺎﻟﻠﻪ . ﻫﻮ ﻣﺪﺑﺮ ﺍﻻﻣﻮﺭ … ﺳﺒﺤﺎﻧﻪ ﻭﺗﻌﺎﻟﻰ .. Waa qiso cajiib ah mudana in lagu cibro qaato, sheekadaan waxaan ka faaidnay wax walbo oo lagu duceysto inuu ALLE kor ahaayee noo fududeynayo anagoo meelna u dhaqaaqin…
Friday, July 26, 2013
Qiso Cajiib ah oo mudan in lagu cibriqaato.
Tags
# Qiso Cajiib ah.
About Ibrahim Hashi ahmed
WAA IBRAHIM HASHI AHMED OO KAGA MAHADCELINAYO BOOQASHADADA, WAXAA RAJEYNAYAA IN AAD QORAALKA WAXBADAN KA FAAIDAY, ASXAABTA LA WADAAG INSHA ALLAH.
Newer Article
Qiso Cajiib ah: Ducooyinkeygi dhan waa la aqbal, hal mid mooyee.
Older Article
Qiso: Been ha sheegin. ka fa,ideyso shekadan!!!
QISO YAR OO CAJIIB AH. MARWADII CAQLIGA BADNEED.Dec 24, 2015
Labels:
Qiso Cajiib ah.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
- 29.11.2015 - 0 CommentsGabdhihii xafada soo degay mudo badan waxeey ku maqnayeen baritankii Faiza iyo qabiilka eey ka dhalatay.…
- 04.05.2014 - 0 CommentsQiso Cajiib Ah oo aad aqoon Badan Aad Ka Kororsan doontid.Hooyo Muslimad ah ooQurbaha ku Nool ayaa waxey ku…
- 12.05.2014 - 0 CommentsQiso Cajiib ah. Cabdallah Bincmah Wuxuu ahaa nin Xubnihiisa Shaqeen waayeen, waxaana noqday Qof Baraalis…
- 26.04.2014 - 0 CommentsQISO YAR OO CAJIIB AH.Waxaa jiray Nin Salaadaha Masaajidka ku ilaalin jiray oo lagu yaqaanay Masjidka, Ninkii…
- 26.04.2014 - 0 CommentsQISO CAJIIB AH.(Boqorkii ka Cararay Boqortooyadiisii).Nin Ummadihii Hore ka mid ah oo uu ku sugan yahay…
No comments:
Post a Comment