Qiso Cajiib Ah.
Maalin Maalmaha ka mid ah ayaa gabar 11 jir ah Aabaheed weydiisey.
Aabo Markaan 15 jir gaaro, maxaa hadiyad dhalashadeyda ii siin doontaa??
Aabihii ayaa ku jawaabay, Aabo wali waqti badan ayaa noo dhiman, marki la gaaro
ayaad arki doontaa.
Gabartii markeey kudhawdahay Dhalashadeedi, ayaa nasiib daro xanuun kusoo boodey
oo loola cararey isbitaal, waxaana lagu sheegay in wadnaheeda uu shaqada gaabiyey,
oo loo baahanyahay in wadno kale loogu badalo hadii rajo laga qabo noolasheeda.
Gabartii yareed oo isbitaalka joogta ayaa Aabaheed weydiisay, Miyaan dhimanayaa Aabe??
Aabaheed ayaa ugu jawaabey asigoo ilmeynaya, Maya waad Caafimaadeysaa Aabo insha Allah.
Gabartii ayaa tiri, Ma hubtaa aabo?? Aabihii oo wejiga ka dadbaya gabartiisa ayaa ku tiri,
Haa Aabo, waa hubaa.
Muddo ka dib Gabartii way Caafimaadey Maalintii dhalashdeeda 15aad ay ahayd ayaa isbitaalkii
laga soo saarey markeey xaafada timidna waxey ugu timid, warqad kor saarneed Miisa Qolkeeda.
Waxaana ku qornaasida tan, Gabarteydii Qaaliga ahayd, Markaad aqrisid warqadaan waxey la
micno tahay sidaan horey kuugu sheegey oo ahayd in aad noolaaneysid.
Maalin waxaad i weydiisay, Hadiyada aan kusiin doono marka dhalashadaada 15aad la gaaro, laakin aniga
Magaraneeynin waxaan kusiin doono waqtigaas, laakin hadda Hadiyadaan kusiiyey waa WADNAHEYGA.
(WADNAHA GABARTA CAAFIMADKEEDA LAGU BADBAADIYEY WAXAA UGU DEEQEY OO HADIYAD AHAAN U SIIYEY AABAHEED, OO
WADNIHIISI AYAA LOOGU BADALAY WADNAHEEDI. WAXUUNA U HURAY NOOLASHIISA SI AY U NOOLATO GABARTIISA)
ILAAHOOW WALIDKEENA U NAXARIISTO ADUUN IYO AAKHIRABA.
Saturday, July 27, 2013
QISO CAJIIB AH: GABADHII YAREED IYO AABAHEED.
Tags
# Qiso Cajiib ah.
About Ibrahim Hashi ahmed
WAA IBRAHIM HASHI AHMED OO KAGA MAHADCELINAYO BOOQASHADADA, WAXAA RAJEYNAYAA IN AAD QORAALKA WAXBADAN KA FAAIDAY, ASXAABTA LA WADAAG INSHA ALLAH.
Qiso Cajiib ah.
Labels:
Qiso Cajiib ah.
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
- 19.08.2013 - 0 CommentsArdey caajisloow ah, habeenkiina dhafri jiray, ayaa maalin maalmaha kamid ah, waxa uu kasoo qeyb galay,…
- 02.12.2015 - 0 CommentsXIKMAD WAAYO ARAG AH WWW.DAARUSALAAM.COMXIKMAD WAAYO ARAG.1- QALADAADKA OO AAD WAX KA BARATID:- Qaladaadku ma…
- 02.01.2016 - 0 CommentsQISADII SACIID BIN AL-MUSAYIBSaciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii banii…
- 06.08.2013 - 0 Commentswaxa lawariyay wiil udhashay wadanka maqrib (Morooko) oo muslim ah, wuxu aaha faqiir wuxu kunoolaa ameerika,…
- 26.04.2014 - 0 CommentsAabaha wuxuu Wiilkiisa ku yiri:-1- Wiilkeygiyoow wax kasta oo Macaan ayaan Dhadhamiyey, mana Arag wax…
No comments:
Post a Comment