Friday, January 11, 2013

Alle Kacabsigii Saxaabada.

Bismillaah Arraxmaan Arraxiim. Ilaahay baa ammaan oo dhan & xamdiba iskaleh, Allaha Khabiirka ah oo haddana Xakiimka ah, Xaal uuyahay kii kusugnaaday carshigiisa, Ilaaha qorrax kasoo baxa iyo qorrax udhaca, Allaha abuurtay Maroodiga iyo muluca, kan si guud ugu naxariista adoomihiisa, hayeeshee si gaar ah ugu naxariista Mu'miniinta.. Naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato Nabigeennii udgoonaa Muxammad, raxmaddii caalamka, hanuuniyihii ummaddiisa, shafeecihii qiyaamaha, siraajkii muniirka ahaa & saaxiibka Xawdka(darka) ay mu'miniintu kacabi doonaan maalinta qiyaame ee ay qorraxdu kulushahay. Intaas kaddib: Culimada Islaamku waxay yiraahdeen: "Ilaahay qaadir ahaaye, isagoo isticmaalaya cilmigiisa ballaaran ee usahlaya inuu ogaado waxa soo socda, ayuu wuxuu fiiriyey quluubta adoomihiisa bini'aadamka ah, markaasuu wuxuu ka-doortay dhexdooda Nabiyadiisa iyo rusushiisa, kaddibna wuxuu fiirshey quluubta Nabiyadiisa, markaasuu wuxuu kadoortay Nabi Maxamed iyaga dhexdoodii, kaddib wuxuu fiirshey quluubta addoomihiisa sooharay ee aan nabiyada iyo malaa'igta ahayn, markaasuu wuxuu kadoortay saxaabadii nabi Muxammed, islamarkaasna uu iyaga udoortay Rasuulkiisa inay garab iyo gaashaan u noqdaan, Ilaahay wuu doortay asxaabta nabiga, kaddib markuu fiirshey quluubtooda, kaddib markuu ogaaday inay uqalmaan inuu doorto. Marka walaalahaygii wanaagsanaayoow, waxaan mawduuceenaan maanta ku eegi doonaa sifihii ama sidii ay saxaabadii Rasuulka lanoolaa ay udhaqmi jireen ama uu ahaa Cabsida ay Alle kaqabeen ciqaabkiisa, tan markaan isla eegno waxaa kuubaxaya in annaga nool maanta iyo iyaga waqtigaas joogey aan isu jirno inta cirka iyo dhulku ay isu jiraan(yacni sida Islaamkeennu u kala fogyahay, iyo sida ay nooga fiicnaayeen).. 


KHOOFKII(AMA CABSIDII SAXAABADA) ABUUBAKAR AL SIDDIIQ: 

 Abuubakar(Allaha ka raalli noqdee) sida uu warinayo imaam Axmed ibnu xanbal, waxaa laga hayaa inuu yiri: "Waxaan jeclaystaa inaan ahaado xabbad tin ah oo kutaal jirka qof mu'min ah", saas wuxuu uleeyahay saxaabigu cabsi uu kaqabo Ilaahay lakulankiisa. Sidoo kale maalin maalmaha kamid ah ayuu wuxuu qabtay carrabkiisa foodiisa, markaasuu wuxuu yiri carabi ahaan: "haadaa Alladii awradanii almawaarid" (kan oo carrabkayga ahi waakan i dabaalsiinaya togaga iyo balliyada) wuxuu ula jeedaa kahadalka dadka maqan arrimahooda ayuu idabaalsiiyey carrabkaygu(saxaabigu wuxuu ahaa ruux Alle kacabsi badan, laakiin naftiisa ayuu dhaliilayaa). Sidoo kale waxa uu imaam Axmed kuweriyey kitaabkiisa la yiraahdo AZZUHDI in uu Abuubakar yiri carabi ahaan: "ABKUU FA IN LAM TABKUU FATABAAKAW" (dadoow ilaahay dartiis u ooya, haddii iinnaan ooyi karinna kudadaala inaad ooydaan). Sidoo kale waxa uu Imaam Axmed ka warinayaa MUJAAHID isagoo sheegaya Abuubakar sifadiisa: "WAKAANA IDAA QAAMA ILAA ASSALAATI KA' ANNAHU CUUDUN MIN KHASHYATI ALLAAH" ( Abuubakar markuu u istaago salaadda wuxuu ahaa sidii tiirkii oo kale, dhaqdhaqaaq la'aan, cabsi Ilaahay darteed). Sidoo kale maalin maalmaha kamid ah ayaa Abuubakar yiri: " Wallaahi waxaan jeclaystaa inaan ahaado geed ladaaqay oo xooluhu ay ruugeen"(yacni geeduhu maadaama aysan xisaab lahayn qiyaamaha, ayuu leeyahay maxaan geed u ahaan waayey aan xisaabta kabaxsadee!. 


 CUMAR BIN AL-KHADDAAB(RA): 

 Maalin maalmaha kamid ayuu wuxuu akhrinayey suuradda 52-aad ee qur'aanka, laguna magacaabo Suurat- Adhuur, markii uu marayo{ INNA CADAABA RABBIKA LAWAAQIC} (Cadaabka rabbigaa waa kii dhacaya), ayaa oohintiisii badatay wuxuuna bilaabay inuu hadba kuhakado aayaddaas iyada ah, isagoo kusoo celcelinaya, kaddibna wuu xanuunsaday tiiraanyo darteed, ilaa uu kusugnaaday ayaamo badan gurigiisa, dadkuna ay hadba kusoo booqanayeen jirradiisa awgeed!. Sidoo kale maalintii naftu kadhacaysay cumar isagoo kujiifa dhabta wiilkiisa ayuu wuxuu kuyiri: "Wiilyohow madaxayga dhulka iska dhig oo ciidda dhig, waxaan rajaynayaa in Ilaahay arrintaan darteed iigu naxariistee", Sidoo kale wuxuu yiri carabi ahaan: "BAL WEEYLUN LI UMMI CUMAR ILLAM YAQFIR LII" (Hooyadii cumar waa hoogtay, haddii aan cumar Ilaahiis u naxariisan) isaga ayaa isula jeeda hadalkaan isaga ah. Waxaa kaloo lawariyaa in Cumar indhihiisa hoostooda ay kuyaalleen laba xariiqamood oo madoow oo kadhashay iilmadiisa badan, oo uu Alle dartiis u ooyi jiray (WAKAANA FII WAJHIHI KHADDAANI AL ASWADAAN MINAL BUKAA). CUSMAAN IBNU AL CAFFAAN(RA): Sida uu qorayo kitaabka layiraahdo XILYATUL AWLIYAA, Cusmaan marka uu qabri booqdo aad ayaa oohintiisu ubadnaan jirtay, ilaa garkiisa oodhammi uu kaqoyi jiray, maalin maalmaha kamid ahna wuxuu yiri "Haddii lay geeyo meel udhaxaysa naarta iyo jannada, ma ahi mid garanaya mid la igu tuuri doono, hayeeshee haddii ikhtiyaar la isiiyo markaas waxaan dooran lahaa in layga dhigo ciid", cabsi uu Alle kabaqayo ayuu saas uleeyahay saxaabigu!. 

 CALI BIN ABII DAALIB(RA): 

 Sida uu dhigayo kitaabka layiraahdo SAFWATU AL- SAFWAH, Cali Alle ka-cabsigiisu laba arrimood ayuu kusalaysnaa, labadaas oo kala ah: YIDIDIILO DHEER & HAWADA RAACIDEEDA oo uu cabsi kaqabey, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas sifaynaya: " Rajooyinka dheeri aakhirada ayay ku hilmaansiiyaan, Hawada raacideeduna xaqa ayay kaa dabooshaa, War dadoow adduunyo waa sii socotaa, aakhirana waa soo socotaa, mid walbaana carruur bay leedahay, marka kudadaala inaad kamid noqotaan carruurta aakhiro, oo hakamid noqonina carruurta aduunyo, maanta waa maalin-camal oo xisaabi majirto, barrina waa maalin-xisaab oo camal majiro" 


 ABUU AD-DARDAA'(RA): 

 Saxaabigaan jaliilka ah waxaa laga wariyey inuu yiri: "Qiyaamaha waxaan ugu cabsi badanahay in la iweeydiiyo Abuu dardaayoow wax waad baratay, laakiin maxaad kaga camal-fashay wixii aad baratay". TAABICIGA IBNU ABII MALAYKAH: Wuxuu yiri: "waxaan lakulmay anigu soddon kamid ah saxaabadii rasuulka, mid walbaana wuxuu naftiisa kala baqi jiray inuu kamid noqdo munaafiqiinta". Sidoo kale taabiciga layiraahdo AL-XASAN A-L BASRII: Waxaa laga hayaa inuu yiri " Munaafaqnimada sideeda, waxaa ka-baqa mu'minka, waxaana aammin naftiisa uga noqda munaafaqa" (yacni qofkii naftiisa munaafaqnimo kala baqayaa waa qofka mu'minka ah oo keliya). Cumar binu Al-khaddaabna wuxuu maalin uyimid saxaabiga layiraahdo xudeeyfa ibnu Al-yamaan, oo ahaa sirhayaha Rasuulka(NNKH), cumar wuxuu weeydiiyey xudeeyfa: " Walaaloow xudeeyfoow maadaama uu Rasuulku kuusheegay magacyada munaafiqiinta, anigu makujiraa munaafiqiinta", Xudeeyfa wuxuu ugu jawaabay: MAYA KUMA JIRTID, Adiga qof kaa dambeeyana uga jawaabi maayo su'aashaas oo kale. IMAAM AL-BUKHAARI: Imaamku Ilaahay raalli haka noqdee wuxuu u khaas yeelay BAAB(ama CUTUB) dhan oo kitaabkiisa kamid ah Cabsida, wuxuuna kumagacaabay..carabi ahaan marka lagu sheego: " Baabu khoowf al mu'min an yaxbadha camaluhu wahuwa laa yashcur" (baabka tilmaamaya inuu mu'minku kabaqo inuu camalkiisu buro isagoo aan dareemin). ALLAAH WAXAAN WEEYDIISANAY CAFI & CAAFIMAAD

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO:
  • Qiso: Shaqaalihii faqiirka ahaa ee jeclaaday ina boqor.
    29.11.2015 - 0 Comments
    Boqorku waxa uu dhalay gabar Allah isugu daray qurux, akhlaaq wanaag iyo waliba diin, waxa loogu wan qalay…
  • Sheeko Xikmad leh: Wiilka fasalka ku dhexhurday, kadibna xaliyey su,aalo boqolaal sano laga jawaabi wayey.
    19.08.2013 - 0 Comments
    Ardey caajisloow ah, habeenkiina dhafri jiray, ayaa maalin maalmaha kamid ah, waxa uu kasoo qeyb galay,…
  • Qiso cajiib ah oo ku dhacday wiil xabad tufaax ah cunay
    31.07.2013 - 0 Comments
    Qiso cajiib ah oo ku dhacday wiil xabad tufaax ah cunay Waxaa la yiri qarnigii koowaad ee Hijriyada ayaa…
  • Qiso Cajiib ah: wiilkan dhalinyarada ah wuxu dhahay waxaan.......
    04.05.2014 - 0 Comments
    Qiso Cajiib ahwiilkan dhalinyarada ah wuxu dhahay waxan ahayn arday tiro fara badan ah oo dhigata jaamacad…
  • Qiso Cajiib Ah oo aad aqoon Badan Aad Ka Kororsan .doontid
    04.05.2014 - 0 Comments
    Qiso Cajiib Ah oo aad aqoon Badan Aad Ka Kororsan doontid.Hooyo Muslimad ah ooQurbaha ku Nool ayaa waxey ku…