Wednesday, November 11, 2015

QISO YAR OO CAJIIB AH.Nin ka mid ahaa Saalixiinta oo la Oran jiray C/laahi Ibnu Mubaarak ayaa Sannad wuu Xaji jiray, Sannadna wuu Cimraysan jiray, marka...

QISO YAR OO CAJIIB AH.

Nin ka mid ahaa Saalixiinta oo la Oran jiray C/laahi Ibnu
Mubaarak ayaa Sannad wuu Xaji jiray, Sannadna wuu
Cimraysan jiray, marka ay Sannadka Xajka Gaarto waxa uu
Iibsan jiray Awr, Sannad ka mida Sanadadii Xajka ayuu C/
laahi Ibnu Mubaarak Awrkii doontay, ka hor intaanu Xajka
Tegin, balse meeshii uu Awrka ka Iibsanayay ayuu ku Arkay
Gabar Rifeysa Shimbir, C/laahi Ibnu Mubaarak wuxuu
Weydiiyay Sababta? Waxey tiri:- Waxaan Haystaa Afar
Caruur ah, Odaygaygii waa Hore ayuu Dhintay, Caruurtaydii
waxay Cunto ma Heysato Bakhtiga ayaa u Xalaal ah, Anigu
Buurigaa yar ayaan ugu Shaqayn jiray, kiina wuu Xumaaday
ee ii Hagaaji C/laahi Ibnu Mubaarak wuu Naxay Naftiisa
ayuu Canaantay, Lacagtiina wuu Siiyay.
Sanadkaa Xajkii muusan Tegin Gurigiisa ayuu iska Fariistay
ilaa ay Dadkii ka soo noqdeen Xajkii ka dib Deriskiisii ayuu
Salaamay, wuxuuna ku yiri:- Alle Xajka ha Idinka Aqbalo,
iyaguna waxay ku yiraahdeen:- Adna ilaahay Xajkaaga
Hakaa Aqbalo waa taanu Xajka kugu Aragnee.
C/laahi Ibnu Mubaarak wuu Yaabay Dhowr Qofna sidaas
ayey ku yiraahdeen. Gurigiisii ayuu Tagay Habeenkii Siduu u
Fikiraayay ayuu Seexday, Wuxuu ku Riyooday Rasuulka
CSW, oo ku leh:- Hayaabin C/laahi markaad Lacagta aad
Xajka ku Tegi lahayd Bixisay ayaan ilaahay kuu Weydiiyay
inuu Abuuro Malag kuu Eg oo kuu Xajiya.
Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW XAJ IYO CUMRO NOO SAHAL, YAA RABBI).

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: