Sunday, November 29, 2015

Qiso: Xanuunka Jaceylka Qurbaha QEYBTA LABAAD.

Gabdhihii xafada soo degay mudo badan waxeey ku maqnayeen baritankii Faiza iyo qabiilka eey ka dhalatay. Baritaan dheer kadib, Gabdhihii waxeey soo ogadeen In eey Faiza ka dhalatay qabiilada Somalidu eey heybsocaan. Sidoo kale waxeey isugu warameen in Faiza eey qiyameeysay Feysal. Iyagoon ogeyn sida wanaagsan oo eey isu guursadeen iyo jaceylka weyn oo ka dhaxeya. Gabdhihii waxeey ka masereen sida lamanahaan eey isu jecelyihiin. Gabdhihii gabar ka mid ah, oo markaa qaraabo sokeeye la ah Feysal aad beey uga xumaatay arintii, waxeeysa dhahday “Sidee Ina Adeerkey ku qabi karaa gabar la heybsooco” Aqristoow maxeey kula tahay hadeey Faiza ahaan laheyd gabar cadaan ah’ miyaa la heeybsooci lahaa, mise la raadin lahaa qabiilkeeda? Gabadhii waxeey arintii gaarsiisay qoyskii uu Feysal ka dhashay oo markaa ku nolaa UK iyo Canada. Qoyskii baa arintii la yaabay, waxey ku noqotay, fajac, waxeeysa dhaheen sideese ku suurtoobi kartaa arintaan. Waxeey dhaheen arintaan waxaan u maleneynaa in eey tahay been abuur. Balse gabadhii reerka dumineysay baa waxey dhahday, arintaan waa xaqiiq, oo waxaan barayay mudo dheer. Waxaana la Ii sheegay in gaabadhani eey tahay reerkaa la heeybsooco, ehelkeedina sifican loo yaqaan.

Qoyskii ayagoo fajacsan baa waxeey dhaheen, Gabadhani miyeey sixirtay Feysal, waxeeysa dhaheen Feysal lagama yaabo in uu guursado qabilkaa asagoo og. Qoyskii waxeey so waceen Feysal, waxeey dhaheen, Gabdhaa guursatayn mataqanaa Qabiilkeeda? Feysal waxa uu ku jawabay haah waan garanayaa oo gabadhani waa reer hebel. (Feysal waxuu wali u hestaa gabadhan in eey ka dhalatay qoyski eey la degeneyd markuu baranayay, sidaan hore ugu xusnay shekadan qeybtedii 1-aad). Xaqiiqdi Feysal marka uu guursanayay gabadhaan waxaa indho tiray quruxdeedi iyo adaabtedi. Jaceeyl baa saaqay oo hami weyn ma uusan gilin ogaanshaha qabiilkeedi. Feysal wuxuu ahaa nin qurbaha joogay mudo, oo waxa uu yimid asagoo yar. Kadib Qoyskii ba dhaheen, war gabadhaa guursatay waxeey
ka dhalatay qabiil laheybsooco. Miyaad walatay Feysaloow. Feysal baa dhahay, waxaad shegeysaan suurta gal ma ahan. Waxeey dhaheen bal adiga wareeyso xaaskaagii. Feysal guriisa marka uu aaday kadib, waxa uu yeeray Faiza waxuusa dhahay, Faiza waxaan maqlay in aadan aheyn qabiilkii aan kugu bartay oo aad tahay qabiil laheybsooco. Faiza weey naxday, hadalkii baa ku dhegay, markiiba waxeey ogaatay in gabdhihi deriska la ahaa eey Feysal u warameen. Kadib baa waxeey dhahday, “Hadii aad qabiil igu guursatay, anigu qabiil eey Somalidu heeybsocaan baan ka dhashay, Balse hadii aad Jaceyl igu guursatay waxaan ahay Faiza dii aad shaley jeceyld”. Feysal baa fajacay wuxuu xasuustay hadalkii eey qoyskisii eey ku lahayeen in uu run yahay. Intaa kadib Feysal talaa ku cadaatay, fakar buu bilaabay. Faiza na weey calool xumaatay oo weey ilmeeysay ilaa indhaheedu casaan noqdeen, oo hadal baa kasoo bixi waayay. Weey isku yar- yaraatey, waxaa qalbigeedi kusoo noq noqday dardarankii abaheed.

Feysal waxa uu bilaabay in uu hadal la qeybsan waayo Faiza. Mar walba wa uu fikiraa, farxadii iyo reyn-reyn tii guriga waxeey isu bedeshay mugdi iyo amusnaan. Faiza wax xal ah gacan kuma eeysan heeyn, waxeey go’aan satay in eey Faisal ka sugto waxii xal ah oo eey ku wada noolaan lahayen. Feysal waxa uu la xariiray qosykisii asigoo leh, waad run shegteen oo gabadhaan qabay ma ahan reerka aan mooday. Waxa eey ku jawabeen’ reerkaa isma geyno, gabdhaheynana ha ceybeyn. Adeerkiis oo nin weyn ahaa, dhaqanka somalida aad u kala yaqaan baa yiri, hadii nin oo u bareero arin falkaan oo kale ah, oo noqoto in uu guursado gabar la heybsooco wa aan ka samri jirnay oo waxa aan kasoo qadin jirnay nin aan xabaalnay. Sidoo kale waxa uu dhahay adeer sooma ogid magaca aad hugantahay sharafta uu leeyahay. Ma gabar aad geeydo baad weeyday marka aad guursaneyso gabar aadan geyn. Adeer maxaad nolosha isugu xabaaleysaa. Feysal asigoon is ogeyn baa ilmo ka daadatay. Adeerkii waxa kale uu yiri, ma waxaad doneysaa in dadku eey nala hadli wayaan oo la guursan waayo gabadhaheena. Ileen ceyb looma dhinto, war maxaa ku helay adeeroow. Gabadhan fur waa hadii aad doneysid in aad sharafteena iyo sumacadeena kor u qaado. Feysal hadal ma uusan oran qaracan aawgeed. Intaa kadib Feysal aad buu u cishooday. Sawir uu la sawirnaa Faiza oo marka wallet-ka ku siday buu lasoo baxay oo je-jeexay. Muda yar kadib Feysal waxaa soo wacday gabadhii deriska la aheyd oo dumineysay reerka quruxda badnaa. Waxeey ku tiri gabadha aad qabto wa eey ku qiyaameysey. Jaceylkeedi haduu run ahaa ma eeysan kaa qarin laheyn qabiilkeda. Waxa eey rabtay kaliya waa hantidaada,yaa guursadda gabdhaan oo kale, waxey ogeyd in aa tahay nin wax bartay oo ka dhashay reer ladan. Inta eey goor hore tahay oo dadku aqlin ina adeer gabadhan isaga tag oo ka fogoow. Intaa kadib Feysal cilkii iyo caradii waxa uu kula dhacay Faiza asigoo leh qabilkaaga waxaad iiga qarisay in aad aniga I hesho aawgeed. Faiza waxa eey ku dhahday ma aanan ogeyn in aad tahay qabileyste(Qof qabiil ka danbeya). Feysal baa caradii ku weynatay waxa uu bilaabay in uu gacan u qaado Faiza. Wuu garaacay, waxa uu jibiyay kalxanta. Faiza weey xanuunsatay , waxeey u wacday Police. Poliskii baa yimid, waxeey isku dayeen in eey feysal eey qabtaan. Feysal aad buu qeyliyay, asigoo ku cel celinayo ma garaneysaan gabadhaan waxa eey igu sameysay. Feysal waxa uu isku deyay in uu ka fakado poliiska asigo isticmalaayo xoog, balse poliski baa si xoog ah u qabteen oo wa eey xir xireen. Feysal waxa lo kaxeeyay xabsiga.

Habeenkaa waxeey aheyd habeen mugdi ah oo taarikh ku leh Nolasha Faiza. Feysal waxaa uu hoydey Xabsiga dhexee. Faiza waxaa la seexiyey Cisbitaal. Caruurtii waxa eey la seexdeen gabadhii dariska la aheyd, will yar uu feysal dhaley baa gabdha waxa uu ku yiri HABARYAR waan gaajoonayaa? Inta eey si caro leh ula hadashey bey tiri, waryaa aniguu habaryartaa ma ahi! ee mar dambe ha igu oran habar-yar iyadoo qeylineysa. Wilka yaraa wa uu iska amuusay’ wa uu garan waayey waxa uu ka sameyay habaryarti, -War la iskuma hayo, Gabdha qabilkeeda beey difaaceysaa-.Habeenkaas Faiza hurdo waa ka soo go’i weydey, aad bey u wal-washey, fikir aad uu dheer bey gasheey, Ilaa markii danbe gabar nurse ka ah cisbitaalka eey ku tiri, wax walba okey bey noqonyaan ee ha wal-welin iyadoo dhoolo cadeyneysa, War la iskuma hayo, Faiza waxaa mar walba Qalbigeeda ku dhacayey dar-daranki Aabaheed oo ahaa Aabo iska ilaali Ajiida ( Ajii oo macnaheedu yahay dadka wax heybsoca) si kasta Arintu ha ahaate fikirkeeda waxa u dheraa caruurteeda oo aad uu jecleyd. Wel wel noolaleed beey gashay. Su,aalo badan ayeey nafteyda weydineysay. Su’alaha eey is weydineysay waxaa ka mid ahaa; Noloshaada sidee noqon dontaa, yaase wehel ku noqonaayo. Caruurteyda sideesa kaligeey u bar-bariyaa. Waxey kale oo laheyd Allow imtixaanka aduun I fududeey. Faizo Cisbitaalki waa laga soo saary , gurigeedi baa lagu celiyey iydoo laga kabey kalxanta iyo gacanta oo jabaneyd. Faiza markii eey guriga ku laabatey waxey eey ka war heshay caruurteedii oo dayacan, dugsi iyo skool midna eeynan aadin. Waxaa arintii ka war heley Faiza walalkeed oo London ku noola, waxa uu uu soo direy lacag kaafisay Faiza iyo caruurteda. Feysal laftisu xanuun badan buu qalbiga ka dareemayay; waxaa helay taah iyo wal-bahaar. Wuxuu naftiisa weydiyey xagee wax ka qabtaa, maxaan sameyaa oo caruurteydii sidaan ula nooladaa? Faiza sideey ii arki doontaa,? Maalmo kadib qoyskii uu ka dhashey baa lowyar uu qabtey dacwadiisa baa bilabatey. Reerka arinkoodi Magaalada oo dhan baa ka war heshey, waxey noqdeen in shaaha lagu cabo. Maalintii danbe Faiza waxaa soo boqdey Imaamka masjidka xaafadda oo u sharaxey diinta iyo waxey ka qabto dadka heybsoca. Waxa uu ka samir siyey wixii ku dhacey. wuxuu yiri adeer wixii kugu dhacay waa wax xaga Rabbi ka qornaa. Allena ma moogna xaq darada laguugu sameyay. Alle adoomadiisa wa uu imtixaanaa, Allena waxa uu jecelyahay adoonka ku sabra imtixaankiisa. Noqo gabar sabarta oo waxii kugu dhacey Alle dartii u iloow. Sidoo kale Alle xagii waxaan kaaga rajenayaa bedel kheir khaba. Intaa kadib Feysal waxa lasoo saaray maxkamad.
                                  DHAMAAD.

 QEYBTA KOOWAAD

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: