Sunday, March 29, 2015

Qiso Yar oo cajib ah.

Imaam Maalik Binu Anas RC, ayaa Wuxuu ku Riyooday Malakul Mowt oo Kor taagan, ka dib Wuxuu Weydiiyey: Waqtigeyga Meeqa ayaa ka Karay, Malakul Mowtki Shanta Farood ayuu u Ishaaray. ka dib Imaam Maalik Binu Anas Hurdadi markuu ka Toosay wuxuu ula tagey Riyadii inuu u Fasiro Riyo Fasirkii weynaa ee Maxamed Binu Siirin RC, wuxuuna ugu Fasiray Shantii Farood ee Malkul Mowtku Riyada Dhaxdeeda u Ishaaray inay tahay Shanta Qaybka ee ilahay uun Ogyahay مفاتيح الغيب, Cid kalena aan Ogaan Karin, wuxuuna ugu Fasiray Riyadii Aayadaan Quraanka ah:-
إِنَّ اللَّـهَ عِندَهُ عِلْمُ السَّاعَةِ وَيُنَزِّلُ الْغَيْثَ وَيَعْلَمُ مَا فِي الْأَرْحَامِ ۖ وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ مَّاذَا تَكْسِبُ غَدًا ۖ وَمَا تَدْرِي نَفْسٌ بِأَيِّ أَرْضٍ تَمُوتُ ۚ إِنَّ اللَّـهَ عَلِيمٌ خَبِيرٌ ﴿سورة لقمان 34
oo Micnaheedu yahay:- Eebbe Agtiisa ayuu yahay Ogaanshaaha Sacadda Qiyaame iyo Roob Di'iddu, wuxuuna Ogyahay waxa Makaanka (Ilmo galeenka) ku sugan, Nafna ma Oga waxey Mudan doonto Berri, Nafna ma Oga Dhulka ay ku Dhiman doonto, Eebbe ayaa Og, kuna Xeel dheer.
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAHOOW NAXRIISTAADA NA SII, YAA RABBI).

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: