Sunday, March 29, 2015

Aabe Maxay Dumarka u Ilmeeyaan!..

Wiil ayaa Waxa uu Waydiiyay Hooyadii " Hooyo Maxaad la Ilmaysaa? Waxay ugu Jawaabtay Hooyo Waxaan ahay Dumar!..Wiilkii Yaraa ayaa Waxa uu Ku yiri Hooyadiis Hooyo Ma aanan Fahmin!..Laabta ayay Ku Qabatay Waxayna Ku Tiri "Hooyo Waligaa Ma Fahmi Kartid!..
Intaas Kuma uusan Joogsan Wiilkii Waxa uu u Tagay Aabihiis Waxa uuna Ku yiri Aabe " Hooyaday Maxay Sabab la'aan u Ilmaysaa? Aabihii ayaa Waxa uu ugu Jawaabay " Dhamaan Dumarka oo Dhan Waxay u Ilmeeyaan Sabab la'aan!..Wiilkii Waa uu Waynaaday Walina Waxaa Ku Taagan Su'aashii ahayd Hooyaday Maxay u Ilmaysaa!..
Ugu Dambayntii Waxa uu u Tagay Nin Xakiim ah ( Nin Caqli Badan) Waxa uu Ku Yiri Waxaan Ku Waydiinayaa Dumarka Maxay u Ilmeeyaan? Waxa uu ugu Jawaabay:
Dumarka Rabi Waxa uu u Suubiyay Labo Garbood oo Adag Si ugu Qadaan Culayska Aduunyada, Waxa uuna u Suubiyay Labo Gacmood oo Jilic'san Naxariisna Badan Si ay Raaxo ugu Dareemaan, Waxa uu Kaloo Rabi Siiyay Awood Gudaha ah si ugu Dulqaadato Dhalmada, Waxay Kaloo u Dulqataan Ilmahooda Marka ay Waynadaan Marka ay Ku Caasiyaan, Waxuu Kaloo Rabi Siiyay Awood ay ugu Dul'qataa Culays Walba oo Reerka Ku yimaada, Waxay Wax Walba u Hurnaan Ilaalinta Reerkooda, Jaceylka Ilmaheeda ay u Hayso Waa Mid aan Dhamaad lahayn, Hadii Ilmaheedu ay Qalbiga Ka Dhawacaan Kadibna ay u soo Alaabtaan Iyada oo Ilmeenayso Xanuunkii Horana aan Xasuusan ayay Laabta Ku Qabataa!..Runtiina Ma Awoodo in aan soo Koobo, Balse Meesha Kaliya ay Ka Jilicsan yihiin ayaa Waxay Tahay Midaas in ay Sabab la'aan Iskaga Ilmeeyaan, Hadaba Sidaas Darteed Ixtiraam Dumarka Xataa Hadii ay Sabab la'aan u Ilmayso!..
Xiriirka Qarsoon ee Adiga iyo Iyada Idiin Dhaxeeyo Waxa uu Go'aan Marka ayay Aduunyada Ka Tagdo Balse Waxaa Jirkaaga iyo Maskaxadaada Marwalba Ka Dheg Guuxayo Xusuus Joogto ah Ku Noqdo Bini'aadam'nimadeeda Qiimaha Badan, Waxaadna Ogaan Doontaa in Jirkeeda ay Kaa Quudan Jirtay Maalin Walba!..
# Allow Hooyoo'yinkeena Ka Mid Dhig Xuurul'caynta Janada iyo Dhamaan Hooyooyinka Muslimiinta oo Idil_Allahuma Aamin

HOOS GALI EMAILKAGA LA SOCO QISOOYINKA CUSUB AAN SOO GALIYO:

WALAAL SAXIBADAA LA WADAAG QISADAAN HAKA FAAIDEYSTAANE.

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: