Saturday, September 28, 2013

QISO GAABAN OO KU CIBRO QAADASHO MUDAN: Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin markaas buu waydiiyey maxaad la oyneysaa adeer? Odeygii aya ku jawaabey:

QISO GAABAN OO KU CIBRO QAADASHO MUDAN: 

 Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin markaas buu waydiiyey maxaad la oyneysaa adeer? Odeygii aya ku jawaabey: “Waxaan lahaa wiil oo aan aad u jeclaa, waxaan jeclaa inuu noqdo aqoonyahan, sidaa darteed waxaan barey aqoon, oo waan ku dadaaley, si aan loogu dadaalin qof ficiis ah kadib waxaan ka dhigey aqoonyahey weyn. Nasiib daro wuu xanuunsadey, markii isbitaalkii la dhigey ayaa daqtarkii ii sheegey in wiikeygu ku jiro saacadahii ugu danbeesey ee noloshiisa.. aad baan uga murgey, kadib wiilkeygii ayaa igu yiri “Aabe!
ii keen shahaadooyinkeygii oo dhan” markaas baan u keeney shahaadooyinkiisii, intuu soo iisoo taagey ayuu igu yiri: “Aabbe waa kuwan shahaadooyinkeygii si fiican ayaad wax ii soo bartey, laakiin nasiib daro ima aadan barin hal erey oo Qu’raan ah, Sideen u hor istaagaa Rabbigeyga ???” su’aashaas ayaa ilaa maanta iga ooysiineeso, anigoo arkaaya ayuu wiilkeygii ku geeriyoodey horteeda!!” SUBHANALLAH!! Ciyaalka hala baro diintooda, si ay u badbaadaan aakhiro iyo aduun, adigana kuu anfacaan!!

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: