Thursday, September 26, 2013

QISO CAJIIB AH. Laba Nin oo Safar ah ayaa waxay u Fariisteen Qado, mid wuxuu Watay 5xabo oo Rooti ah, kan kalana wuxuu watay.........

QISO CAJIIB AH.

Laba Nin oo Safar ah ayaa waxay u Fariisteen Qado, mid wuxuu Watay 5xabo oo Rooti ah, kan kalana wuxuu watay 3xabo oo Rooti ah, Nin Saddexaad oo Safar ah ayaa ku soo Biiray balse aan Rooti Wadan, waxay Go'aansadeen inay Rootiga Qeybsadaan, sidaa darteed waxay Sameeyeen, Xabad kasta oo Tooti Saddex Jab ayey u Qeybiyeen, waxayna noqotay 24jab, Qofkiiba wuxuu Cunay 8 jab oo Rooti ah.

Ninkii Saddexaad ee Labada Nin u yimid ayaa Istaagay markii uu Qadada Dhameystay si uu sii wato Safarkiisa, wuxuuna Labadii Nin uga Tagay Lacag Siddeed (8)Dirham ah si uu u bixiyo Rootigii ay siiyeen.

Ninkii 5 Rooti lahaa ayaa wuxuu kii kale siiyay (3)Dirham, isna wuxuu la haray 5Dirham ayuu qaatay, balse Ninkii kale kuma uusan Qancin, wuxuuna Rabay Lacagta in kala Bar la siiyo.

Labadii Nin markii ay is mari waayeen waxay isula Tageen Khaliifkii Islaamka Cali bin Abii Daalib RC.

Cali bin Abii Daalib RC, markii uu Dhageystay Labada Nin wuxuu u sheegay Ninkii 3da Rooti lahaa in Ninka kale uu siiyay Lacag ka badan intii uu Xaqa u lahaa, wuxuuna ka Codsaday inuu inta la siiyay Aqbalo. Haddaba, Ninkii 3da Rooti lahaa waa uu Diiday inuu Aqbalo 3da Dirham.

Cali bin Abii Daalib RC wuxuu yiri:- Xaqiiqdii Ninka 3da Rooti lahaa wuxuu Xaq u leeyahay Hal (1) Dirham oo kaliya, kadibna sidaan ayuu ugu Sharaxay:-

Nimanka isku Dar waxay heysteen 8xabo oo Rooti ah, Halkii Rootiba waxay u Qeybiyeen 3jab taas oo ka dhigeysa 24jab oo Rooti ah, Ninka Saddexda Rooti lahaa waxaa Dhankiisa ka yimid 9jab oo Rooti ah (3X3=9) isaga Nafsad ahaantiisa wuxuu Cunay 8jab, Ninka Lacagta Dhiibay wuxuu siiyay 1jab oo kaliya, midka 5 Rooti leh waxaa Dhankiisa ka yimid 15jab oo Rooti ah (3X5=15) isaga Nafsad ahaantiisa wuxuu Cunay 8jab oo Rooti ah waxaa ka soo Hartay 7jab oo Rooti ah oo uu siiyay Ninka Lacagta bixiyay. Sidaa darteed Ninka 5 Rooti lahaa wuxuu leeyahay (7)Dirham, Halka midka 3 Rooti lahaana uu leehaya (1)Dirahm.

Maasha Allaah, Caddaaladdu waa sidaas.
(ALLOOW NAGA YEEL KUWII CADAALAADDA KU DHAQMA).

No comments:

Post a Comment

QISOOYINKAN KALENA AQRISO: